Cabdi Tahliil
- Sharaxaad badan iyo faahfaahin fanaaniinta, fiiri Fanaaniinta Soomaaliya.
Maxamed Cabdi Warsame (Af Ingiriis : Mohamed Abdi Talil; Af Carabi : ar) ku magacdheeraa Tahliil, waa fanaan Soomaaliyeed oo aad looga yaqaanno gayiga Soomaalida, kuna caan baxay magaca Cod Wanaagsane sababtoo ah wuxuu ka mid yahay kuwa ugu sareeya fanaaniinta codka fiican dhammaan fanaaniinta ku heesa af-Soomaaliga.[1]
Cabdi Tahliil Warsame محمدعبذ تهليل | |
---|---|
File:Cabdi-Tahliil.jpg | |
Ku dhashay | Muqdisho, Banadir | Maajo 21, 1943
Degenaansho | Nayroobi, Kiinya |
Qoomiyada | Soomaali |
Shaqada | Heesaa, Fanaan, laxamiiste, jilaa |
Sanadaha Shaqada | 1973kii-2000 |
Ka tirsan | Hobolada Waaberi (1970-1998) |
Shaqooyinka ugu muhiimsan | Heeso wadani, heeso jacayl, qasaa'id |
Magaalada ka soo jeedo | Xamar, Banadir |
Diinta | Sunni Islaam |
Tahliil heesihiisa aad ayaa loo jeceyahay waana mid ka mid ah fannaaniinta qiimaha mugga weyn ku dhex leh umadda Soomaaliyeed. Fanaanka Maxamed Cabdi Warsame wuxuu uu ku dhashay gobolada dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1953dii taariikhda Miilaadiga.[2]
cabdi tahaliil warsamew waxa uu iminka ku xanuun sanayaa magaalada muqdisho.
Heesaha Fanaanka
Fanaanka Maxamed Cabdi Warsame wuxuu leeyahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe, amaan, duco, wacyi, wargelin iyo wax-sheeg.[3]
Fanaanku waxuu ka tirsanaa Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.[4]
Fanaankani wuxuu heeso badan la qaaday hobolo dumar oo badan, kuwaasi ooy ka mid yihiin fanaanada Xaliimo Khaliif Magool, Hibo Maxamed Hodoon[5] (Hibo Nuura), Maandeeq, Saynab Cige iyo kuwo kale oo badan. Si kastaba ha ahaatee, heesaha Tahliil aad ayay u badan yihiin, kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah:
- Albumka Onkod
- Heesta Onkod[6]
- Heesta Hoowlahaadii
- Heesta Waayaha
- Heesta Gobanimodoon: waxay si talantaali ah u wada qaadaan fanaanada Hibo Nuura
- Heesta Casar
- Heesta Sida Faras Bulaalo
- Heesta Jacayl Aayatiin Leh
- Heesta Maxaan Xabadeed Ku Nacay (shirkii Djibouti)
Heesaha fanaankan waxaad ka dhageesan kartaa websitekan Halkan Riix.
Fanaaniinta Soomaaliyeed
Fannaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ah aad bay u badan yihiin rag iyo dumarba; haddaynnu dhawr ka xusno fannaaniintii hore ee waaweynaa waxa ka mid ah kuwa ku xusan jadwalka hoose.
Magaca | Kooxda | Wakhtiga Fanka | Sawirka | Faalo Kooban |
---|---|---|---|---|
Cabdi Deeqsi Warfa (Cabdi Sinimo) | ||||
Maxamed Saleebaan Tubeec | Hobolada Waaberi | 1967dii ilaa 2010kii | Boqorka Codka | |
Xaliima Khaliif Magool | Hobolada Waaberi | 1969kii ilaa 1993dii | Boqorada Codka | |
Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura) | Hobolada Waaberi | 1974tii ilaa maanta | Hooyada Fanka | |
Cabdi Tahliil Warsame (Tahliil) | Hobolada Waaberi | 1971dii ilaa maanta | Cod Wanaagsane | |
Maxamed Nuur Giriig | Hobolada Waaberi | 1970kii ilaa | ||
Qamar Maxamed Xuseen | Hobolada Waaberi | 1980kii ilaa 1994tii | Gabadha Fanka | |
Saalax Qaasim | Hobolada Waaberi | Aabaha Fanka | ||
Khadra Daahir Cige | Hobolada Waaberi | 1978kii ilaa hada | Boqorada Fanka | |
Saado Cali Warsame | Hobolada Waaberi | 1979kii ilaa hada | ||
Cabdi Nuur Alaale | hobolada Jabuuti |
| ||
Maxamed Mooge | Hobolada Waaberi | 1971dii ilaa 1988dii | Madaalaha Fanka | |
Xasan Aaden Samatar | Hobolada Waaberi |
| ||
Axmed Mooge Liibaan | Hobolada Waaberi | 1973dii ilaa 1991dii | ||
Maxamed Mooge Liibaan | Hobolada Waaberi | 1962dii ilaa 1980dii | ||
C.Qadir Macalin Jubba | kooxda Waaberi | 1979kii ilaa maanta | Yarka Sanadka | |
Cumar Dhuule | kooxda Ileys | 1972kii ilaa 1998dii | ||
Sahra Axmed | kooxda Ileys/Hobolada Waaberi | 1978dii ilaa 2004tii | Quruxda Fanka | |
Faadumo Cabdilahi Maandeeq | ||||
Cabdule Yusuf Hanuuniye | Hobolada Waaberi | Ma daalaha Waaberi | ||
Cumar Shooli | ||||
Axmed Naaji Sacad | ||||
Axmed Nuur Jaangow | ||||
Siciid Harawo | ||||
Axmed Yaasiin Digfeer | ||||
Shimaali Axmed Shimaali | kooxda Dalmar/Kooxda Ileys | 1982dii ilaa maanta | Jeceeyloowga Fanka | |
Maxamed Xasan Lafoole | ||||
Cumar Dhuule Cali | ||||
Aamina Cabdilahi Xirsi | ||||
Kinsi Xaaji Aadan | ||||
Saalax Qaasim Naaji | ||||
Cawaale Aadan | 2005tii ilaa maanta | Xidigga Fanka |
fanaaniinta hobolada waaaberi dhaman intoda dhimatay allaha u raxmado iyo inta xanuunsan sida Cabdi tahliil warsame maxamed mooga ma'aha madaadalaha waaberi. khaqiiq ahaan muu ahayn xubin hobaladii waaberi. wuxuu kaqayb qaatay laba riwaayadood oo kaliya oo ay kooxuhu matalayeen. xogtan aad usoo xaqiiji kana saar magaca qaldan ee ah madaalaha funka waxaad kubadashaa aabihii ama adeerkii fanka.
.
Xigasho
- ↑ "fanaan Soomaaliyeed oo aad looga yaqaanno gayiga Soomaalida"
- ↑ "Tahliil wuxuu uu ku dhashay gobolada dhexe sanadkii 1953dii taariikhda Miilaadiga"
- ↑ "Tahliil waxuu leeyahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe"
- ↑ "Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed"
- ↑ "Heesaha Tahliil iyo Hibo Maxamed Hodoon"
- ↑ qoraal ahaan halkan ka arag[dead link]