Hibo Nuura
- Kani waa maqaal ku saabsan fanaanada Hibo Nuura. Haku khaldin magaca Hibo.
- Sharaxaad badan iyo faahfaahin fanaaniinta, fadlan fiiri Fanaaniinta Soomaaliya.
Hiba Maxamed Hodoon (Af Carabi : ar) ku caan ah magaca Hibo Nuura waa fanaanad weyn oo ku heesta af-Soomaaliga taasi oo leh suugaan iyo heeso aad u badan.[1] Heesaha ay qaado fanaanadani oo u badan wadani, goobaabin, talo-siin, dhiiri-gelin iyo wanaag darteed ayaa Hibo Maxamed Hodoon loo siiyay magaca weyn ee Hooyada Fanka Soomaaliyeed.[2] Intaasi waxaa dheer, Hibo waxaa ay leedahay naanays ay ku kasbatey kartideeda iyo hanaan-wanaageeda, waxaana lagu naanaysaa Hibo Nuura.[3]
Hibo Nuura Hibo Maxamed Hudoon هبه محد هدون | |
---|---|
File:Hibo Nuura.jpg | |
Ku dhashay | Dilla, Awdal | Maajo 21, 1958
Degenaansho | Minneapolis, MN, Maraykanka |
Qoomiyada | Soomaali |
Shaqada | Heesaa, Fanaanad, laxamiiste, jilaa |
Sanadaha Shaqada | 1970kii-2014 |
Ka tirsan | Kooxda Waaberi (1974-1998) |
Shaqooyinka ugu muhiimsan | Heeso wadani, heeso jacayl, qasaa'id |
Magaalada ka soo jeedo | Borama, Awdal |
Ciwaan | Hibo Nuura; Hooyada Fanka, Qalbi Nuura |
Diinta | Sunni Islaam |
Badhtamihii sanadkii 2014ka, fanaanada Hibo Nuura waxay waxay ku dhawaaqdey ineey ka baxdey fanka iyo suugaanta, maadaama ay da' ahaan gaadhey heerkii lagu cibaadeysan lahaa.[4] Fanaanadu waxay hada ku nooshahay magaalada Minneapolis, Minnesota ee wadanka Maraykanka.[5]
Taariikhda Hibo
Hibo Maxamed Hodoon waxay ku dhalatey magaalada Dilla ee gobolka Awdal, Waqooyiga Soomaaliya ee maanta loo yaqaano Somaliland.[6] Ayada oo yar ayaa waalidkeed u soo wareejiyay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal; halkaasi ooy ku qaadatey waxbarashadii dugsiga hoose iyo dhexe. Ka dib, waxay u soo wareegtay magaalada Hargeysa ooy ka biloowday fanka iyo suugaanta ilaa markii dambe ay u gudubtey xarunta wadanka Soomaaliya waa caasimada Muqdisho.[7][8][9][10]
Heesaha Fanaanada
Fanaanada Hibo Nuura waxay leedahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe, amaan, duco, wacyi, wargelin iyo wax-sheeg.[11]
Fanaanadu waxay ka tirsanayd Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.[12]
Heesaha fanaanada Hibo Maxamed Hodoon waxaa ugu caansan oon soo qaadan karnaa:
- Heesta Goronyo.
- Aaminka Ducadiyo[dead link]
- Heesta Ha iga Tagin ee Ii Talli
- Heesta Ka Buldhe: waxa si talantaali ah uwada qaadayaan Saalax Qaasim iyo Hibo Nuura.[13]
- Heesta Daawo Dacalada: waxa si talantaali ah uwada qaadayaan C.Qaadir Juba iyo Hibo Nuura
- Heesta Godadle: waxa wada qaadaya Hibo Nuura, Axmed Mooge iyo Xaliimo Khaliif Magool.
- Heesta Hal Qudha, si talan-taalli ah Hibo Nuura ula qaado fanaanka C.Qadir Macalin Jubba
- Heesta Hallow
- Heesta Daawo Dacalada: waxa si talantaali ah u qaadaya C.Qaadir Juba iyo Hibo Nuura
- Heesta Afrika Waa Dhulkeeyga
- Heesta Safar: waxa si talantaali ah u wada qaadayaan C.Qaadir Juba iyo Hibo Nuura
- Heesta Kalgacaylku Waa Qani
- Heesta Rooble
- Heesta Kurbo
- Heesta Armaad
- Heesta Baaloley
- Heesta Afrikaay Toos: waxa si talantaali ah u qaadaya Xasan Aaden Samatar iyo Hibo Nuura
- Heesta Dayax
- Heesta Dood iyo Xal
- Heesta Gabo-gabo
- Heesta Himilo
- Heesta Maaweelo
- Heesta Ma ii Baaqdey
- Heesta Qunbacasho
- Heesta Rafiiq
- Heesta Ramaad
- Heesta Rako
- Heesta Waa Sheeko Hodana: waxa si talantaali ah u wad qaadayaan C.Qaadir Juba iyo Hibo Nuura
- Heesta Daawo Dacalada: waxa si talantaali ah u wad qaadayaan C.Qaadir Juba iyo Hibo Nuura
Hiba Nuura waxeey ka baxday Fanka 6dii February, 2015 weeyna ka toowba Keentay waxeeyna codsatay inaan la dhageeysan dhammaan heesaheedi oo idil.
Fanaaniinta Soomaaliyeed
Fanaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ah aad bay u badan yihiin rag iyo dumarba; haddaynnu dhawr ka xusno fannaaniintii hore ee waaweynaa waxa ka mid ah kuwa ku xusan jadwalka hoose.
Magaca | Kooxda | Wakhtiga Fanka | Sawirka | Faalo Kooban |
---|---|---|---|---|
Cabdi Deeqsi Warfa (Cabdi Sinimo) | ||||
Maxamed Saleebaan Tubeec | Hobolada Waaberi | 1967dii ilaa 2010kii | Boqorka Codka | |
Xaliima Khaliif Magool | Hobolada Waaberi | 1969kii ilaa 1993dii | Boqorada Codka | |
Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura) | Hobolada Waaberi | 1974tii ilaa maanta | Hooyada Fanka | |
Cabdi Tahliil Warsame (Tahliil) | Hobolada Waaberi | 1971dii ilaa maanta | Cod Wanaagsane | |
Maxamed Nuur Giriig | Hobolada Waaberi | 1970kii ilaa | ||
Qamar Maxamed Xuseen | Hobolada Waaberi | 1980kii ilaa 1994tii | Gabadha Fanka | |
Saalax Qaasim | Hobolada Waaberi | Aabaha Fanka | ||
Khadra Daahir Cige | Hobolada Waaberi | 1978kii ilaa hada | Boqorada Fanka | |
Saado Cali Warsame | Hobolada Waaberi | 1979kii ilaa hada | ||
Cabdi Nuur Alaale | hobolada Jabuuti |
| ||
Maxamed Mooge | Hobolada Waaberi | 1971dii ilaa 1988dii | Madaalaha Fanka | |
Xasan Aaden Samatar | Hobolada Waaberi |
| ||
Axmed Mooge Liibaan | Hobolada Waaberi | 1973dii ilaa 1991dii | ||
Maxamed Mooge Liibaan | Hobolada Waaberi | 1962dii ilaa 1980dii | ||
C.Qadir Macalin Jubba | kooxda Waaberi | 1979kii ilaa maanta | Yarka Sanadka | |
Cumar Dhuule | kooxda Ileys | 1972kii ilaa 1998dii | ||
Sahra Axmed | kooxda Ileys/Hobolada Waaberi | 1978dii ilaa 2004tii | Quruxda Fanka | |
Faadumo Cabdilahi Maandeeq | ||||
Cabdule Yusuf Hanuuniye | Hobolada Waaberi | Ma daalaha Waaberi | ||
Cumar Shooli | ||||
Axmed Naaji Sacad | ||||
Axmed Nuur Jaangow | ||||
Siciid Harawo | ||||
Axmed Yaasiin Digfeer | ||||
Shimaali Axmed Shimaali | kooxda Dalmar/Kooxda Ileys | 1982dii ilaa maanta | Jeceeyloowga Fanka | |
Maxamed Xasan Lafoole | ||||
Cumar Dhuule Cali | ||||
Aamina Cabdilahi Xirsi | ||||
Kinsi Xaaji Aadan | ||||
Saalax Qaasim Naaji | ||||
Cawaale Aadan | 2005tii ilaa maanta | Xidigga Fanka |
Xigasho
- ↑ "fanaanad weyn oo ku heesta af-Soomaaliga taasi oo leh suugaan iyo heeso"
- ↑ "Hooyada Fanka Soomaaliyeed"
- ↑ "Hibo Nuura"
- ↑ "Fanaanada Hibo Nuura oo fanka ka baxdey Archived Sebteembar 16, 2015 // Wayback Machine"
- ↑ Taariikhda Fanaanada Hibo Maxamed Hudoon
- ↑ "Dilla ee gobolka Awdal, Waqooyiga Soomaaliya ee maanta loo yaqaano Somaliland"
- ↑ "Boorama ee xarunta gobolka Awdal; halkaasi ooy ku qaadatey waxbarashadii dugsiga hoose iyo dhexe"
- ↑ "magaalada Hargeysa"
- ↑ "Soomaaliya"
- ↑ "Muqdisho"
- ↑ "Hibo Nuura waxay leedahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe"
- ↑ "Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed"
- ↑ ""Qoraalka Heesta Ka Buldhe", qorida Suge"