Xamaas oo xaqiijisay dilka, ninka ay Israa'iil u taqaannay 'Bisadda leh Sagaalka Nafood`

Deif ayaa loo arkayay inuu yahay sarkaalka labaad ee Xamaas ee Gaza, marka laga soo tago Yaxya Sinwar oo ahaa hoggaamiyihii kooxda ee dhulkaas.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Maxamed Deif

Xamaas ayaa xaqiijisay in la dilay madaxii militariga kooxda Maxamed Deif.

Milatariga Israel ayaa sheegay in ay dileen Deif bishii July ee sanadkii hore, balse Xamaas ma aysan xaqiijin ilaa hadda.

Israa'iil waxay sheegtay in Deif uu ka mid ahaa dadkii mas'uulka ka ahaa qorsheynta weerarradii 7-dii Oktoobar ee koonfurta Israa'iil oo ay ku dhinteen 1,200 oo qof, 251 kalena ay afduub ahaan ugu qabsadeen.

Deif ayaa loo arkayay inuu yahay sarkaalka labaad ee Xamaas ee Gaza, marka laga soo tago Yaxya Sinwar oo ahaa hoggaamiyihii kooxda ee dhulkaas, kaasoo sidoo kale ay dileen ciidammada Israa'iil sannadkii hore.

Garsoorayaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa sannadkii hore soo saaray amar lagu soo xirayo Deif , oo ay weheliyaan ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga Yoav Gallant.

Deif ayaa la sheegay in uu gacan ka geystay injineernimada dhisidda godad u oggolaaday dagaalyahannada Xamaas in ay Israa'iil ka weeraraan Gaza. Waxa kale oo lagu tiriyaa inuu naqshadeeyay gantaallada Qassam.

Warbixin ay soo saartay Khamiistii, Xamaas waxay sidoo kale ku shaacisay geerida taliye ku xigeenkii militariga Marwan Ciise.

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay geerida Ciise bishii Maarso ee sanadkii hore.

Ciise waxa uu ahaa taliye ku xigeenka garabka militariga ee Xamaas, waxaana lagu tiriyaa mid ka mid ah ragga sida aadka ah ay Israa'iil u raadineysay. Midowga Yurub, oo hogaamiyaha Xamaas ku daray liiska madow ee argagixisada, ayaa si toos ah ula xiriiriyay weerarkii 7-dii October.

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay geerida Ciise bishii Maarso ee sanadkii hore.

Xigashada Sawirka, Media sources

Qoraalka sawirka, Mareykanka ayaa ku dhawaaqay geerida Ciise bishii Maarso ee sanadkii hore.

Dagaalkii ugu dambeeyay wuxuu bilowday ka dib markii Xamaas ay weerartay Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023.

Duulaanka militari ee Israa'iil oo socday 15 bilood ayaa waxa lagu dilay in ka badan 47,460 falastiiniyiin ah , sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Xabbad joojin u dhaxaysa Xamaas iyo Israa'iil ayaa dhaqangashay 19-kii Janaayo.

Ilaa 15 qof oo Israa'iiliyiin ah oo la haystayaal ahaa ayaa la sii daayay tan iyo markaas.

Ilaa hadda, 400 oo maxaabiis falastiiniyiin ah - oo isugu jira kuwa lagu xukumay qaraxyo iyo weeraro kale ilaa dhallinyaro la eedeeyay iyagoon dambi lahayn - ayaa la sii daayay.

Inta badan waxa ay dib ugu laabteen Daanta Galbeed ee la haysto, Bariga Quddus iyo Qaza.

Waa kuma Maxamed Deif?

Mohammed Deif wuxuu hoggaaminayay Izz al-Din al-Qassam, oo ah garabka militari ee dhaqdhaqaaqa Xamaas.

Inta badan waxa laga ogyahay Deyf waa warbixinnada ay shaaciyeen warbaahinta Israa'iil iyo Falastiin. Waxay sheegeen in Deyf uu ku dhashay xerada Qaxootiga ee Khan Yunis ee ku taala Qaza 1965-kii.

Maxamed Diab Ibrashim al-Masri ayaa loo bixiyay markii uu dhashay balse markii dambe wuxuu la magac baxay Deyf oo macnaheedu yahay "marti"..

Wax badan lagama oga barbaarintiisii ​​iyadoo ay socdaan khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Israa'iil iyo Falastiin oo raad aan la iloobi karin ku reebay Bariga Dhexe.

Waa nin aa inta badan la arag oo Falastiiniyiintu u yaqaannaan ninka caqliga badan, halka Israa'iiliyiintu u yaqaannaan Bisadda leh Sagaal Nafood.

Dowladda Israa'iil ayaa xabsiga dhigtay sanadkii 1989, kadib markii uu aasaasay al-Qassam iyadoo ujeeddadu ahayd in lagu soo qabto saraakiisha Israa'iil.

Kadib sii deyntiisii, wuxuu gacan ka geystay dhismaha godadka dhulka hoostiisa ee dagaal-yahannada Xamaas u oggolaaday inay gudaha Israa'iil ka galaan Gaza.

Kadib sii deyntiisii, wuxuu gacan ka geystay dhismaha godadka dhulka hoostiisa ee dagaal-yahannada Xamaas u oggolaaday inay gudaha Israa’iil ka galaan Gaza.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dagaalkii ugu dambeeyay wuxuu bilowday ka dib markii Xamaas ay weerartay Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023.

Deif wuxuu ka mid ahaa ragga loogu doon doonista badan yahay Israa'iil, iyagoo ku eedeeyay qorsheynta iyo kor-joogteynta bambadii lala eegtay bas sanadkii 1996, ayna ku dhinteen tobnaan Israa'iiliyiin ah, iyo ku lug lahaanshiyada qabashadii iyo dilkii saddex ka mid ahaa saraakiisha Israa'iil bartamihii 1990-meeyadii.

Israa'iil ayaa xabsiga dhigtay sanadkii 2000, balse wuu ka baxsaday billowgii kacdoonkii labaad ee Falastiiniyiinta.

Wixii intaa ka dambeeyay, aad uma soo muuqan. Waxaa laga hayaa uun saddex sawir: mid taariikheysan, mid uu mask xiran yahay, kan saddexaadna waa mid dahsoon.

Isku daygii dil ee ugu darnaa wuxuu dhacay sanadkii 2002: Deif ayaa badbaaday balse wuxuu waayay mid ka mid ah indhihiisa. Israa'iil ayaa sheegtay inay sidoo kale ay go'een cagta iyo gacanta, iyo in sidoo kale hadalku ku adag yahay.

Ciidamada ammaanka Israa'iil ayaa mar kale ku guul-darreystay dilka Deif mar ay howlgal ka sameynayeen Marinka Gaza sanadkii 2014, balse waxay dileen xaaskiisa iyo labo carrurtiisa ka mid ah.