Jump to content

Portal:Afrika

Ka Wikipedia
Warbixin guud   Wadanada Afrika  

Afrika (Af Ingiriis : Afrika; Af Carabi : ar‎) waa qaarada labaad ee ugu weyn qaaradaha aduunka kadib qaarada Aasiya dhanka baaxada iyo dhanka dadkaba. Baaxada Afrika waxay la'egtahay c. 30,244,050 km² (11,677,240 mi²) tiradaas waxaa ku jira dhamaan jasiiradaha lagu xisaabo Afrika. Afrika baaxadeeda waxay dabooshaa 20.3% baaxada dhulka oo dhan. Sida lagu xusay tirokoob caalami ah oo la sameeyay sanadkii 2013ka waxaa ku nool qaarada Afrika dad tiradooda ay dhantahay 1.1 bilyan taasi oo ah tiro u dhiganta todobo qeyboodoo qayb dadka dunida ku noolo maanta.

Qaarada Afrika waxaa ku hareersan biyo; Bada Mediterraniyanka waxay ka xigta waqooyi, sidoo kale Gacanka Suweys iyo Bada Cas waxay ka xigaan waqooyibari, Badweynta Hindiya ayaa kaga taala koonfurbari, iyo Badweynta Atlantika oo ka xigta galbeed. Intaas waxaa dheer, wadanka jasiirada Madagaskar iyo gasiirado kale ayaa soo hoosgala qaarada. Sida rasmiga ah waxaa qaarada Afrika degan 54 wadan oo la aqoonsan yahay, sagaal deegaan iyo labo wadan oo wali la aqoonsan. Xaga bulshada, qaarada Afrika waxaa ku dhaqan dadka ugu da'da yar caalamka marka tirada guud laga hadlayo; 50% dadka Afrikaanka ahi waa da'da ka yar 19 sano. Juquraafi ahaan, wadanka Aljeeriya ayaa ugu wayn dhulka iyo baaxada, halka Nayjeeriya ugu dad badan tahay; waxaana guud ahaan caalamka la isku raacay in badhtamaha iyo Bariga Afrika yihiin meesha aadamuhu ka soo beermeer markii ugu horeeysay. Waxaa deegaanadan laga helay lafo aad u da' weyn oo muujinaya horaantii dadka. Tusaale ahaan, wadanka Itoobiya waxaa laga helay lafaha ugu da'da weyn inta la ogyahay midaasi oo jirta 200,000 kun sano. Guud ahaan qaarada Afrika waxaa dhex mara dhulbadhaha, waxayna leedahay noocyo badan oo cimilo kala gedisan ah. Waana qaarada keli ah ee laga helo astaamaha cimilada waqooyi ilaa koonfurta dhulka.

Fiiri maqaalo kale (cusboonaysiin)

Maqaalo Xul ah

Qaahiro ayada oo habeen ah

Qaahiro (Af Ingiriis : Cairo; Af Carabi : ar‎) waa caasimada dalka Masar. Qaahira waa magaalada ugu wayn Afrika waxayna ku taalaa Masar Qaahira waxay leedahay taarikh wayn iyo guud ahaan dalka Masar. Qaahira diinta lagu dhaqmo waa diinta Islaamka gaar ahaan Sunni waxaana magaalada ku taalo jaamacadda wayn ee Al Azhar inkastoo diima kale lagu dhaqmo laakiin diinta aabaha wadanka Masar waa diinta Islaamka gaar ahaan mad habta Sunniga.

Sawiro xul ah

Sadexgeeska qadiimiga ah ee Boqortooyadii hore Masar

Shakhsi xul ah

Mucamar Al Qadaafi

Mucamar Al-Gadaafi (Af Ingiriis : Muammar Muhammad Abu Minyar al-Gaddafi; Af Carabi : ar‎) waxaa uu dhashay sanadka marka oo ahaa 1942. waxa uu dhintay 10-10-2011 waxaa uuna ku dhashay magaalada Sert ee wadanka libiya. Ninkaan ma ahan madaxwaynaha rasmiga ee liibiya.laakiin waxaa lagu magacaabaa hogaamiyaha kacaanka shacbiga ah. Taas oo dalka ku qabsaday inqilaab sanadkii.1969.Kadib markii oo inqilaabay boqorkii liibiya katalinjiray ee Idiris Asanuusi. Qadaafi waxaa uu ahaa ilaa yaraantiisii mid aad u jeclaa in ay midoobaan umadaha carbeed. Kadib markii uu xukunka qabsadayna waxoo badanaa isku dayay in oo mideeyo carabta oo dhan. Qadaafi waxa uu iskudayay mar badan isku dayay in dawladiisa liibiya oo lamideeyo wadamada carabta, gaar ahaan kuwa Suuriya, Suudaan, Masar, Marooko iyo Aljeeriya, mana u suutoobin in oo mideeyo.Dhanka kale, qadaafi waxoo aad u necbaa wadamada reer galbeedka, kadib markii ay reer galbeedku ku eedeeyeen in qadaafi oo kadanbeeyay falabadan oo ay kamid aheyd diyaaradii ku kor burburtay tuulada lookarbi ee woqooyiga Ingriiska iyo qaraxyo kale oo ka dhan ahaa reer galbeedka.Sidookale qadaafi waxaa lagu eedeeyay in uu caawimo siinjiray jabhada RRA ee kadagaalami jirtay woqooyiga Irland iyo jabhada (iita) ee kadagaalanta gobolka Bask ee dalka Isbania.

Category

Maqaalada Afrika

Portal kale

Mashaariic Bahwadaag

Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia ee qodobkaan raacsan:

Wikibooks
Buugaag

Commons
Sawirro

Wikinews 
Warar

Wikiquote 
Oraahaha

Wikisource 
Qoraal

Wikiversity
Xogaha waxbarashada

Wikivoyage 
Hagaha safarrada

Wiktionary 
Qaamuus

Wikidata 
Liiska caddeymaha

Wikispecies 
Abla-ablayn

Hooyga muhiimka ah:
Qaaradaha:

Aasiya | Afrika | Antarktika | Ooshiyaaniya | Latin Ameerika | Woqooyiga Ameerika | Yurub |

Portal Bahwadaag la ah:

Carabta | Hiddaha iyo Dhaqanka | Af-Soomaali | Siyaasadda |

Sidoo kale:

Soomaaliya

Bulsho ] Hooyga ]