Abwaan Axmed Saleebaan Bidde iyo Qisadii jacaylka ee 30-ka sano

Abwaan Axmed Saleebaan Bidde iyo weriyihii hore ee BBC-da Axmed Siciid Cigge
Qoraalka sawirka, Abwaan Axmed Saleebaan Bidde iyo weriyihii hore ee BBC-da Axmed Siciid Cigge
  • Author, Siciid M. "Beegsi"
  • Role, Qoraa

Hordhac

Inantii uu dhallinyarannimadiisii jeclaa oo AYEEYO ah ayuu nasiibku dib u kulmiyay, wuuna guursaday.

Abwaan Axmed Saleebaan-Bidde iyo Amran-Leexo in ka badan 22 sano ayay is jeclaayeen, ka dibna way is calfadeen, ilaa maanta—oo ay in ka badan 30 sannadood is qabaan—waa lammaane is jecel.

Afeef

Abwaan Bidde, run ahaan, waa badweyn, wuxuuna leeyahay fan iyo taariikh hodan ah, iyo sheekooyin nololeed oo kala jaadad ah. Haddaba qoraallo kale ayaynnu kaga faalloon doonnaa Abwaan Bidde, nolol iyo fanba, laakiin warbixintani waxay ku eg tahay sheeko keli ah—LEEXO. Waa qiso jacayl oo taariikhda iyo fanka Axmed S Bidde waax ka ah.

Waa kuma Axmed Saleebaan-Bidde

In uu halabuurka fanka Soomaalida ugu magaca dheer ku jiro ka sokow, dhab ahaan, wuxuu ku sifoobay erayga "abwaan."

Abwaan Bidde waa maansayahan heesihiisa facba fac u gudbiyo oo erayadiisa bulshadu ku halqabsato. Waa codsameeye laxameeyay tiro heeso ah oo ka dhex sheeggan fanka. Waa jilaa iyo maadeeye masraxa kaalin muddakar ah ku leh. Waana mu'allif dhisay 45 riwaayadood oo badiba tisqaad ah.

Mar kale, Abwaan Bidde, waa mutacallin leh xirfado dhawr ah, dalmar afaf kala duwan ku hadla, kuna sifaysan fikir ilbax ah iyo anshax korran.

Abwaan Bidde fankiisa waxa gundhig u ah, jaad walba oo halabuurkiisa ahna ku marriiman, dhaqanka iyo waayaha Soomaalida. Si guudna, waxa fankiisa laga dhex dheehanayaa duruufaha dunida.

Haddaba, Axmed Saleebaan-Bidde Maxamed, sida uu ku xusay waraysi ay Laanta Af Soomaaliga ee BBC la yeelatay, Hargeysa ayuu ku dhashay, 1943. Dugsigii Booliska ee Madheera (Somaliland) ayuu tacliintiisiina ku qaatay.

Iskuulka ka dib, farsamada korontada ayuu ka bartay Warshaddii Laydhka ee Hargeysa, xirfaddan buuna gobollo iyo goobo kala geddisan kaga shaqeeyay fanka ka hor, sida uu ku sheegay barnaamijka Madasha Halabuurka ee Telefishanka Qaranka JSL.

Axmed wuxuu ka dhashay qoys suugaanyahan ah, dhanka aabbaha iyo dhinaca hooyadaba. Sidaas darteed, halabuurnimadiisa waxa loo tiirin karaa "hidderaac" iyo hibo dhalan ah, sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay Telefishanka Universal.

Abwaan Bidde, sida uu ku xusay waraysi uu Telefishanka Qaranka JSL la yeeshay, intii uu dugsiga ku jiray wuxuu samayn jiray, oo iskuulka ku bandhigi jiay, riwaayado gaagaaban oo maaweelo carruureed ah. Taa ka dib, 1962 ayuu fankiisu masraxa halabsaday, oo halabuurkiisu fagaaraha dadweynaha yimi, dal iyo debedba, ilaa maantana badweynta fanka ayuu ku dhex jiraa, sida laga akhrisan karo waxsoosaarka iyo dhaqdhaqaaqa faneed ee uu ilaa waqtigan u darban yahay.

Riwaayadihiisa waxaynnu ka xusi karnaa "Alla'aamin ma iisho", "Jeel iyo jacayl", "Dalwanaaje qurbow" iyo kuwo kale; heesihiisana waxaynnu ka magacdhebi karnaa "Sida geed caleen loo", "Geeri doontee maanta aan go'o", "Haddii aanan dhulkaygow", Waa laysu soo noqon", "Si yar maw shushubateen"… iyo qaar kale.

Abwaan Bidde suugaantiisu, Soomaalida ka sokow, laamaha kala duwan ee nolosha iyo waayaha dunida ayay wax ka taabanaysaa, si gaar ah se waxay ku astaysan tahay dhaqan iyo jacayl.

Abwaanku haatan wuxuu deggan yahay Hargeysa.

Jacaylkii Abwaan Bidde

"Axmed Saleebaan-Bidde ma aha nin jacaylka ku cayaara." — Abwaan Aadan Tarabbi.

Fanka casriga ah ee Soomaalida waxa ku taariikhaysan sheekooyin jacayl ah oo ku saabsan nolosha halabuurro iyo hooballo caan ah, sida jacaylkii Ismaaciil-Cagaf, kii Cali Sugulle, Cabdi Iidaan, Xuseen Aw Faarax, Sulub Cumar, Khadra Daahir… iyo kuwo kale.

Haddaba qisada jacaylka Abwaan Axmed S Bidde, oo ah ta aynnu qoraalkan ku faallaynaynno, waxa lagu tiriyaa sheekooyinka ugu xiisaha badan ee ku aroora cishqiga fannaaniinta.

Axmed Saleebaan-Bidde, sida uu marar kala duwan warbaahinta ka qiray, gabadh bay is jeclaadeen, guurna ku heshiiyeen, tabta dhallinyaradii dhiggiisa ahayd. Ha se ahaatee calaf baa ka adeegay oo inantii way is waayeen. Inanta waxay reerkoodii siiyeen, oo ay guursatay, nin kornayl ah, kaas oo Axmed ka jeeb roonaa.

Abwaan Saleebaan Bidde
Qoraalka sawirka, Abwaan Saleebaan Bidde

Abwaan Bidde iyo inanta wax khilaaf ah oo la sheegaa u ma dhexayn, laakiin qaddar baa kala kaxeeyay; haddii laga tagi waayana, maalmahaas inanta laga guursanayay Axmed wuxuu ku shuqlanaa qabanqaabada arooska saaxiibkii Maxamed Aadan (Dacar), taas buuna jacaylkiisa kaga yar mashquulay, sida uu Abwaanku ku xusay barnaamij xogwarran ah oo ay isaga iyo fannaanad Hibo-Nuura khadka internetka wadajir uga tebiyeen.

Sidaas oo kale, warbixin uu Abwaan Bidde ka sameeyay suxufi Cumar-Seerbiya, ayuu Abwaan Bidde ku xusay in isaga iyo inanta uu calaf kala geeyay.

"Calaf baannu isku weynnaye isaseeg kale ma ay ahayn," ayuu yidhi Abwaan Bidde.

Inantii uu jeclaa, haba laga guursado e, way ka fogaatay, oo nuurigeedaba wuu waayay, sida uu ku xusay waraysi uu Telefishanka Goobjoog ka qabtay. Inantii Hargeysa way ka guurtay, oo waxay degtay Gorayo-Cawl, gobolka Awdal; ninka kornaylka ah ee ay is guursadeen baa taliska Gorayo-Cawl ka tirsanaa. Sidaas darteed, Axmed jacayl baa ku keliyaystay, rejo ayuu se qabay.

"Labada is waayaa dhibaato way leeyihiin, laakiin way isu samraan," ayuu yidhi Abwaan Bidde.

Heesta Leexo

Leexadu waa "dabayl". Haddaba, sida uu ku xusay barnaamijka Madasha Halabuurka ee Telefishanka Qaranka JSL, Abwaan Bidde, maalmihii uu heestan curiyay, leexo jacayl baa sidatay—gabadhii uu jeclaa baa laga guursaday!

"Leexo jacayl baa i sidatay!" ayuu yidhi Abwaan Bidde.

Kolkaa ay Abwaan Bidde "leexada jacaylku sidatay," hees ka mid ah tobannaanka heesood ee uu dareennadiisa ku cabbiray, ayaa ku meelmartay magaca "Leexo." Sidaas oo kale, inantii uu jeclaa ee uu heesta u tiriyay, oo magaceeda rasmiga ah la dhaho Amran Ismaaciil Xuseen, iyadana waxa lagu naanaysay "Leexo!"

Haddaba kolka suugaanta Abwaan Axmed S Bidde laga hadlayo, waxa la odhan karaa, magacan "Leexo" marka koowaad waa qiso (waa xaalad jacayl oo Abwaan Bidde maray); kolka labaad waa hees; jeerka saddexaadna waa gabadh.

Sidee bay ku timi heesta Leexo?

Abwaan Bidde oo caweys guriga ku qayilaya, ayna la fadhiyaan abwaan Ciise Warsame (Dhancadde) iyo hoobal Cabdalle Maxamed (Sagsaag), ayaa looga yeedhay guri aan ka fogayn kii Ilma Saleebaan-Bidde ee ay ku barjaynayeen. Wuu kacay oo gurigii tagay, wuxuuna kula kulmay inantii uu jeclaa, ee laga guursaday, oo ninkii qabay dudmo kaga timi.

Inantii uu jeclaa waxay ku wargelisay in ay ninkeedii is khilaafeen, in ay ku noqotana ayna rabin; sidaas darteed ay Axmed S Bidde guurkiisa diyaar u tahay. Abwaan Bidde wuu ka diiday arrintaa, wuuna fasaxay.

Abwaan Bidde, sida uu marar kala duwan xusay, kolkan uu inantii uu jeclaa oo u heellan fasaxayay, isaga jacaylkeedii kama guurin ee caashaqiisu tabtiisii hore iyo si ka daran buu ahaa; laakiin wuxuu ka dhawrsanayay, oo diiddanaa, in uu nin iyo gabadh aan is furin ka dhex shaqeeyo, oo qoys dhisan dumintiisa ka qaybqaato. Taa awgeed, isaga oo inanta jecel ayuu haddana ka gaws'adaygay, oo damaciisii shidnaa xakameeyay.

"Adiga oo madax bannaan haddii aad ii timaaddo, anigu ku eryi maayo; laakiin imika reer dhisan haddii aynnu duminno, innagana keennu dhisnaan maayo," ayuu inantii ku yidhi Abwaan Bidde, sidaas bayna isku nabadgalyeeyeen.

Waxa lagu doodaa Abwaan Bidde in uu markan qaatay go'aan gobannimo iyo danaysi la'aan astaan u ah.

Haddaba, Abwaan Bidde, aqalkii inantu joogtay markii uu ka baxay ayuu ladh ku kacay: Dareen hibasho u eg baa jiitay oo ka hadliyay, dabadeed jawaab digasho u eg buu soo dhuftay, wuxuuna hanbabaray, oo is arkay, isaga oo socodka ku heesaya, oo erayadan marinaya:

"Innagoo lammaanaa

Iyo laba nafqaybsi leh

Talo geed ku laashee…

Waadigan se liitee

Leexadu ku sidatee

Hadba laan cuskanayee

Maxaa luray naftaadii!..."

Abwaan Bidde oo meerisyadaas subcinaya ayaa u yimi Dhancadde iyo Sagsaag—saaxiibbadiisii ay kolkii hore wada fadhiyeen.

Dabadeed Abwaan Bidde iyo Cabdalle-Sagsaag baa isla qabqabtay erayada laxamayntoodii, halkaasna waxa ka dhalatay heesta Leexo.

Nuxurka heesta Leexo dad baa ujeeddo siyaasadeed u fasirtay, laakiin abbaarta dhabta ah ee heestu waa 'hinaase'; waa hinaase jacayl ee siyaasad shuqul kuma laha, sida uu Abwaan Bidde ku xusay waraysi ay Laanta Af Soomaaliga ee BBC ka qabatay.

"Heestu waa hinaase ee siyaasad shaqo kuma laha," ayuu yidhi Abwaan Bidde.

Fannaanad Hibo-Nuura iyo heesta Leexo

Hibo Maxamed Huddoon (Hibo-Nuura), oo maanta ah fannaanad magac iyo maamuus fanka ku dhex leh, heesta Leexo ka hor aad looma aqoon, hees keli ah baana ugu horraysay Leexo.

Sidaas daraaddeed, Abwaan Bidde aqoon u ma lahayn Hibo Maxamed, wuxuuna doonayay heesta Leexo in uu u dhiibo hablihii berigaa calankoodu taagnaa ee Hibo fanka uga horreeyay, Hargeysana ku sugnaa, sida Guduudo-Carwo iyo Saynab-Baxsan.

Laakiin Hibo ayaa ku dhegtay heesta Leexo, kuna adkaysatay in ay iyadu qaaddo. Codsiga Hibo ka dib, Baxsan iyo Guduudo-Carwo ayaa Abwaan Bidde u soo jeediyay heesta in uu Hibo u dhiibo, waxayna taa ku sababeeyeen, 1) Hibo fanka way ku cusub tahay ee heestan ha ku soo baxdo, 2) waa fannaanad heesta hirgelin karta oo aan kolnaba codkeeda lagu qasaarayn.

Abwaan Bidde taladaas wuu ku qancay; sidaas bay Hibo ku qaadday heesta Leexo; natiijadiina waxay noqotay tabtii ay Baxsan iyo Guduudo hilaadiyeen—si xilkasnimo leh ayay Hibo uga soo dhalaashay heestii, waqti yar ka dibna dhegaha dadweynaha ayay qabsatay, oo dalabkeeda ayaa kala go'i waayay.

Waxa la odhan karaa, Hibo heesta Leexo way ku soo baxday. Dhanka kale, heesta Leexo qudheedana Hibo way soo saartay, oo luuqdeeda ayaa taabbagelisay. Maalintaas ayayna fannaanad Hibo iyo heesta Leexo maqalka dadweynaha si wadajir ah u hanteen.

Abwaan Bidde iyo hoobalad Hibo-Nuura, oo barnaamij khadka internetka ah ku kulmay, ayaa isaga maragfuray heestaasi in ay sabab u ahayd in ay Hibo si degdeg ah u hesho aqoonsi fannaannimo iyo magac weyn.

Sidaas oo kale, Abwaan Bidde iyo fannaanad Hibo, waxay isku waafaqeen in heestaasi ay fududaysay in Hibo dalka Shiinaha bandhig faneed u tagto markii ay laba bilood oo keli ah fanka ku jirtay.

"Aniga oo laba bilood uun fanka ku jira ayaan Jayne tagay. Abwaanku in uu heestaa igu aaminay waan uga mahadcelinayaa," ayay tidhi fannaanad Hibo Maxamed.

Hees xaalmarin ah: Jawaabtii heesta Leexo

Kolkii ay heesta Leexo suuqa ka gashay ka dib, Amran Ismaaciil Xuseeen "Leexo," oo ah inantii uu Abwaan Bidde heesta Leexo u tiriyay, ayaa ka cabatay heesta Leexo, sida uu Abwaan Bidde ku xusay barnaamij uu Telefishanka Saab u qabtay. 'Ummadda oo dhan baa i maqashay; meesha aan tagaba heestii Leexo way i dabo socotaa ee xaal baan kaa rabaa,' ayay ku tidhi. Xaalka ay ka doonaysaa geel iyo dahab ma aha ee waxay ka dalbatay hees lid ku ah tii hore ee Leexo.

Abwaan Bidde, sida uu xusay, wuu ku farxay in uu xaalkaa hees u bixiyo, waayo wuxuu ka werwersanaa in xoolo la weydiiyo, laakiin heesaha iyo halabuurku waxay ahaayeen hantidiisa keli ah ee uu hagar la'aan u hidin karo.

"Waad fiican tahay, baan ku idhi, haddii aanad dahab, geel ama lacag i weydiisan," ayuu yidhi Abwaan Bidde.

Haddaba inantii wuxuu xaalmarin u siiyay heesta uu Maxamed Axmed Kuluc ku luuqeeyay ee Sida geed caleen iyo. Heestaa uu xaalka u bixiyayna waxa erayadeeda ka mid ah:

"Sida geed caleen iyo

Ubax guudka qariyeen

Oy gooni laamaha

Ay midiba geesteed

Hoobaan is gaadhiyo

Guntin midho ah leedahay…

Gabahdyahay kalgacal baad

Goortaan ku eegaba

Qalbigayga gelisaa!"

***

Kolkaa iyo ka dibba, intii ay jacaylkiisa isa seegganaayeen, Abwaan Bidde xaaladihiisa jacayl heeso badan buu ku cabbiray, waxana laga xusi karaa ta uu Axmed Cali Cigaal ku luuqeeyay ee farriinteedu samafilashada tahay:

"Waa laysu soo noqon

Wixii nool adduunyada!"

***

Guurkii Abwaan Bidde iyo Marwo Leexo

Abwaan Bidde, sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay Qaran News, inanta kolkii la guursaday ka dib wax xidhiidh ah lama samayn, waxaana xidhayay dhaqanka oo afo nin leh wuu ka gaabsanayay.

Haddaba muddo 22 sano ah ka dib, gabadhii oo ayeeyo ah, seygeediina uu saddex sannadood sii mootan yahay, ayay Abwaan Bidde qaxoonti ku kulmeen. Way is guursadeen.

Abwaan Bidde sababtii is waayiddooda wuxuu ku macneeyay calaf. Sidaas oo kale, sababta is heliddoodana wuxuu ku qeexay isla calaf.

"Nasiib baannu isku waynnay; markii danbena nasiib baannu isku helnay," ayuu yidhi Abwaan Bidde. "Calaf Ilaahay baa isu kaayo keenay."

Sidaas oo kale, Abwaan Bidde wuxuu qabaa calafku in uu daaho mooyaane ma baaqdo. "Calafku ha raago e, ma guuro!" ayuu yidhi Abwaan Bidde.

Abwaan Aadan Tarabbi, oo ay Abwaan Bidde saaxiibnimo nusqarni ka badani dhexayso, ayaa tibaaxay Abwaan Bidde inantii uu jeclaa in uu la kulmay iyada oo ayeeyo ah, ka dibna guursaday.

Abwaan Tarabbi oo ka hadlayay kulan Abwaan Bidde qudhiisu uu goobjoog ka ahaa oo Hargeysa lagu qabtay, kaas oo lagu falanqaynayay fanka iyo taariikhda Abwaan Axmed S Bidde, ayaa yidhi: "Axmed Saleebaan-Bidde waad og tihiin isaga oo aan dumar horeba guursan oo dhallinyaro ah in uu gabadh jeclaaday, oo ay ayeeyo isku heleen, oo uu imika qabo!"

Abwaan Tarabbi ayaa Abwaan Bidde ku sifeeyay nin aan jacaylka ku ciyaarin se daacad u ah. "Axmed S Bidde dadka caashaqa ku ciyaara ma aha," ayuu yidhi Abwaan Tarabbi.

Gebagebo

Ka dib 22 sano oo jacaylkoodu waayaha u dabranaa, Abwaan Axmed Saleebaan-Bidde Maxamed iyo Marwo Amran Ismaaciil Xuseen "Leexo" way is heleen, maantana waa lammaane iyo "laba nafqaybsi leh", oo in ka badan 30 sannadood qoys ah. "Calafku ha raago e, ma guuro!"