Jump to content

Axmed Wacdiyow

Ka Wikipedia

Sheekh Axmed Sheekh Abiikar Xasan Sh. Axmed Wacdiyow / Gabyow (ku dhashay Cadale) waa nin caalim ah oo diinta Islaamka wax ka yaqaan, waxaa kaloo uu ahaa gabayaa tiriya gabayga nooca loo yaqaan masafada. waxaana Gabayadiisa ka mid ah:-

  • Rajulka kaafur ah ee rugtaan yimid
  • Sidii rasuul rabi nooma soo dirin.
  • Mana rabnoo naga reed bax waa niri
  • Hadaad ruux la dagaasho kaa roon
  • Reerkaad u kaashan laheydne raagaan
  • Ragoow hadoo qalbi waa la rafaadaa.
    • Mar ay Cadale ay tageen odayaal Soomaali oo Talyaaniga usoo diray iney Shiiqa kala hadlaan joojinta Suugaanta uu dadka ku kicinaayo waxa uu yiri
  • Soomaaliyaan u dagaalamaynaa,
  • Dalkeena balaaran u daafacaynaa,
  • Kufriga soo dagay diida leenahay.
  • Kuwa dulmaaya la dood galaynaa,
  • Dantiina duul kale dhowrimaayee
  • Hadaalinoo u dulqaata leenahay
  • Dabeysha mowdku intuu I daadihin,
  • Hilibka duud cunin oonan deebna uu noqon,
  • Dadka tus danahiisa aan leeyahay
  • Duruyadaada dab looma aasee,
  • Kuwa dambaan u dariiq falaynaa,
Halkudhigyadiisa qaar ka mid ah

Ha gaabanaato gambarba hala ekaato ninaa geriyeey dhahaaya.